Sida ku cad qodobka(Article 9)ee Vienna Convention Somaliland waxay ku dhawaaqi
kartaa(persona non grata)safirrka jabuuti maaha mid u qalma inuu ka shaqeeyo Somliland sababtu wuxu (Violation) ku sameeyay qodobada Article 41 iyo 42 ee isla Geneva Convention marka la Tixraacayo (International Law)ama shuruucda caalamiga ah,
Arrintani waxay dhacday markii Suaal uu Wariye Saxafadda Somaliland ka Tirsani Suaal ku saabsan Diyarado rasaas ku Furay meelo gobolka(Selel )ka tirsan uu waydiyay safiirka ama Wakiilka Djibouti u fadhiya Somaliland hase ahaatee Safiirku aayar
ayuu iskaga kacay fadhiga Ma kibirbaa,ma Aqoon la aan baa,mise kalsoonidii uu ku jawaabi lahaa ayaa baqe ka hayaa lama kala fahmi karo,hase ahaattee maaha Qaabkii Diplomaci uu u dhaqmi lahaa,meel kasta oo uu joogo,
Suaasha Xaq ayaa loogu lahaa in la Weydiiyo waayo halka ay diyaaraduhu rasaasta ku hurgufeen waa halka ay iska galaana a ma ay iskaga dhowyihiin Xuduudda labada dale e Jabuuti iyo Somaliland Suaasha waxa xaq u lahaa inay Waydiiso Xukuumadda Somaliland iyadoo
loo Yeedhayo Safiirka ee aan loogu Geleynin Safaaradda gudeheeda waayo Safaaradda Hargeisa ku taallaa ee Djibouti waxa iska leh Bedka Dhulka ay ku taallo Djibouti ma ba aha dhul Somaliland leedahay Sidaas darteed fasax laaan lama Geli karo wariye,Police.iyo Wasiir midna
Fasax la aan,xattaa haddii uu Dil ka dhaco safaaradda gudeheeda, Haddii se ay dhacday in wariyayaashu gudaha u galaan Guda ha safaaradda Fasax laga helay safaaradda wariyuhu isagoo Su aasha kaga wakiil ah Xukuumadda iyo
Shacbiga wuu waydiin ka raa waxana Xaq loogu leeyahay inuu qaab asluubaysan oo masuliyadeed uga jawaabo ama uga gaabsado,ama hab kaloo Diplomasiyadeed uga meeraysto,hase ahaatee waan ka hor kacayaa waxay gef ku tahay
Saxaafadda,Shacbiga,iyo Xukuum adda Somaliland, Waxa ka maqan safiirka inuu Muuqaal kasta oo ka Soo muuqdaa uu yahay Sawirka Djibouti xattaa haddii Koodhkiisa Badhamadu kala dheer yihiin ama aanu
Aqoon Diplomasiyad lahayn waxa loo arkayaa inay Djobouti Sidaas uun tahay Sidaas darteed Safiirku waa calaamad u taagan inuu Xidhiidh laba Dal xumayn karo ama Hagaajin karo sidoo kale Sumcadda Dalkiisa wuu xumayn karaa ama wuu
wanaajin karaa sawirka laga qaato ayayna ku Xidhantahay,
Ciid mubaarak
Rashiid Odowaa
Political Scientist