Khubarada Sayniska Oo Wali Ku Dhaka Faarsan Laba Wiil Oo Mataano Ah Balse Kala Aabo Noqday Iyo Dalka Qisadani Ka Dhacday

Date:

Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa aqoonta sayniska iyo caafimaadka horumar weyn laga gaadhayo oo dalalka hore u maray meel sare ka taagan cilmiga maaddiga ah ayaa waxa aqoonyahano badan madax wareer ku riday kiis dhawaan ka dhacay dalkaasi Vietnam ee Koonfur Bari qaaradda Asia kadib markii laba wiil oo mataano ah ooh al calool wada galay la sheegay in ay kala noqdeen laba aabbo kuwo kasoo kala jeeda. Dalka Vietnam ayay ahayd meesha qisadani ka dhacday waana sheeko yaab badan oo indhaha caalamka soo jiidatay noqotayna mid aad loola yaabo.

Sida ay ku soo warramayso wakaaladda wararka ee Reuters, Lamaane is qaba ayaa waxa soo kala dhax galay  shaki ku saabsan laba maataano ah oo wiilal ah oo ay dhaleen, ka dib markii ay noqdeen laba ubad ah oo si weyn u kala duwan dhanka isku Ekaanshaha, waxaana shakiga dhaliyey ka dib markii mid yeeshay timo xajmi weyn oo buurbuuraan oo dhaadheer ah  halka kii kalena yeeshay timo aad u dhuu dhuuban oo midabkoodu cad yahay,  yaryar oo taag taagan. Aabaha dhalay isagu xaaska haweenaydan ubadk adhashay qabay ayaa arrintaas si weyn uga dooday, kana shakiyey in xaaladdani aanay caadi ahayn wuxuuna dalbaday in lagu sameeyo baadhitaan rasmi ah oo dhinaca dhiigga hidde-sidayaasha ah, waxaana la geeyey goob caafimaad oo ku samaysay baadhitaankii u dalbaday ee dhiigga noociisa hidde-sidaha DNA loo yaqaano waxaana natiijadii baadhitaanka dhiiggaasi laga qaaday labadan ubad ah kasoo baxay wax loo qaadan waayay oo amakaag ku riday waalidkii ubadkan iyo intii kale ee qisadooda la socotayba waxaana waxana ka soo baxay arrin yaab  ah, taasoo ah  in ilmaha mid ka mid ah aanu Aabuhu dhalin, balse labada wiil ee yaryar Hooyadu dhashay. Taasi macnaheedu waxa uu noqday in labadii mataano ahaa uu hal wiil ay wada dhaleen labada is qabaa balse ka kale ay hooyadu u dhashay nin kale oo ay xidhiidh hoose la lahayd.

Agaasimaha hay’adda daba galka iyo la socodka arrimaha Hidda raaca ee dalkaasi Vietnam Mudane Le Dinh Luong ayaa sheegay in qaddiyaddani tahay mid ku yar dalkiisa iyo guud ahaan caalamkaba, isla markaana ay noqon karto mid dad badan la yaabaan, balse wuxuu sheegay inay suuragal tahay, oo marka Ukumaha hooyadu diyaar u noqdaan inay Qarxaan haddii muddo shan maalmood guhadood ah ay la kulanto laba nin ay suuroobayso in biyo rag oo kastaa qarxin karto ukunteeda sidaasna ay ku noqdaan mataano, laba Aabe leh oo hooyo wada dhashay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...