Ku dhawaan 12, 000 oo Geel iyo Ido isugu jira oo ku xayiran xadka dalalka Sacuudiga iyo Qatar

Date:

Xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan dalalka Khaliijka ayaa u muuqata mid xilgan saameyn adag ku yeellatay xitaa dadka xoola dhaqatada ah, kaddib markii dowladda Sacuudiga ku amartay muwaadiniinta u dhalatay dalka Qatar in mudo 14 cisho ah uga baxaan dalkeeda.

Xadka labada dal ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran yihiin ku dhawaad 12, 000 oo Geel iyo Ido isugu jira kuwaa oo xoola dhaqato ka soo jeeda dalka Qatar doonayaan in ay dalkooda dib ugu celiyaan.

Tallaabadan ayaa ka danbeysay kaddib markii dowladda Sacuudiga ugu baaqday xoolaha dhaqatada ka soo jeeda dalka Qatar in ay dib dalkooda ula laabtaan xoolaha ka jooga dalka Sacuudiga, taasoo keentay in kumannaan Geel iyo Ido isugu jira ku xayirmaan xadka labada dowladood.

Dalka Qadar ayaa qaar ka mid ah wadamada Khaliijka waxaa ay ku soo rogeen xayiraadka dhinaca dhulka, Cirka iyo Badda ah, waxaana muuqata in hadda dowladda Qatar xiriir dhaw la yeelatay wadanka Iran halkaa oo ay maalin walba ka soo iibsato cunto iyo qudaar.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...