Deg Deg: Farmaajo Oo Farrin U Direy Kooxda Al Shabab Baaq Cusubna U Jeediyey

Date:

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ururka Al-Shabaab ugu baaqay in aaney Shacabka dilin, hantidoodana bur burin, taa bedelkeed ay dowladda Federaalka wada hadal la galaan waxaana uu yidhi.

“Waxaan u direynaa dib u heshiisiin oo aan ka hadleynay maalmahaan la soo dhaafay oo idil waa qolada dorraad carruurta nooga laayay maqaayad lagu afurayey oo aanu u aabo yeelin dumar, duqey, carruur iyo cirroole oo aan u dirnay cafis oo aan ku dhahnay kaalaya waan wada hadleynaa hubka dhiga , haddii aad la dagaaleysaa dowlad, dowladdaan shacabkaa keenay ee aan wada hadalno, dadkaan haleynina hantidaanna ha burburinna, welina waan ku taagannahay, ilaahay waxaan ka baryeeynaa qoladaasi inuu soo celiyo oo caqligooda ku shaqeeyaan oo ay ka haraan qolada la shaqeysa ee ajanabiga ah”ayuu yidhi Madaxweynaha oo hadalkan ka sheegay shir dib u heshiisiin oo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligan aanay shacabka u baahneyn colaad joogta ah, balse ay u baahan yihiin nabad iyo barwaaqo.

 

Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer Al-Shabaab ugu baaqday miiska wada hadalka, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa diiday oo shuruud uga dhigtay inta Ciidamo shisheeye dalka joogaan aan wax wada hadal la fureyn dowlad ay ku tilmaameen inay xukumaan shisheeyaha.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...