Waddanka Shiinaha oo ka mid ah dalalka sida weyn ula dagaalama qishka ardaydu marka ay imtixaanaadka dugsiyada iyo jaamacadaha ku jiraan ayaa mar kale soo saaray qaanuun sharci oo dawladda u ogolaanaya in ay diyaaradaha kamaraduhu ku rikiban yihiin ee loo yaqaano Drone ka u adeegdsan karaan sannadkan iyada oo la doonayo in la sii laban laabo dadaalka xukuumaddu ugu jirto in ay ku cidhib tirto qaababka iyo noocyada kala duwan ee ay ardaydu qishka u sameeyaan wakhtiga imtixaanka.
Warbixintan xiisaha leh oo ay baahisay wakaaladda wararka ee AP oo wargeyska Foore idiin soo turjumay waxa ay sheegaysaa in Masuuliyiinta waxbarashada dalkaasi shiinuhu ay sannadkan la dagaalanka qishka u adeegsan doonaan tiknoolajiyadii ugu dambaysay iyada oo ay dalkaasi Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo dhexe isu diyaarinayaan in ka badan dhawr iyo toban Milyan oo arday kuwaasi oo galaya imtixaanka loo yaqaano QAU AKAU oo ah imtixaamka ardaydu ay ku galaan jaamacadaha oo ah kan ugu adag ee ardayda laga qaado marka ay ka soo gudbayaan tacliinta aasaasiga ah.
Inkasta oo sannado badan Shiinuhu la soo dagaalamayay qaabab kasta oo qish ah oo ay ardaydu sameeyaan marka ay imtixaanka u fadhiyaan haddana tijnoolajiyada dalkaasi ku hore maray ayaa mar walba keenta in arday badani ay imtixaanka si uun u qishaan iyada oo qaar ka mid ahi imtixaanka ku qishaan qaabab khiyaamo ah oo ay ka mid yihiin adeegsiga qalab aan waayar lahayn, sameecado dhegaha ugu xidhan oo qof kale bannaanka ka soo hagayo iyo agab aad u yar oo ay ku soo xidhaan dharka hoostiisa kuwaasi oo ay kala socon karaan jawaabaha ay uga baahan yihiin su’aalaha wakhtigaasi hor yaalla.
Saraakiisha waxbarshada ee dalkaasi Shiinaha ayaa toddobaadkan xadhiga ka jaray mashruuc cusub oo lagula tacaalayo qishka ardaydu samayso waxaana ay sannadkan u adeegsan doonaan noocyo kala duwan oo ah kamaradaha duula ee diyaaradaha yaryar ee Drone ka ahi xambaaraan kuwaasi oo sawirro dhinac walba ah ka qaadaya ardayga imtixaanka u fadhiga xataa haddii u inyar oo dhaqdhaqaaq ah sameeyo sidoo kale waxa kamaradahaasi ku xidhan aalado soo qabanaya oo sheegaya walax kasta oo ardaygu sito, ha ku qarsado dharkiisa ama kabihiisee waxaana ay dhinac walba ka sawirayaan mudada uu ardaygu u fadhiyo imtixaanka waxaana xarun dhexe sawirada ay kamaradahaasi duulayaa qaadayaan kala socda khubaro malaayiin qof ah oo loo tababaray la socodka macluumaadka diyaaradahaasi keenayaan.