Dawladda Ruushka oo caawimo ka helaysa khubaro internetka iyo kombuyuutarada jabsigeeda (Hackers) ku takhasustay, ayaa sameeyey tiknoolajiyad (Cyber-weapon) casri ah oo awood u leh in ay burburiso nidaamka korontada sida ay sheegeen cilmi-badhayaal Maraykan ah oo warbixintooda ku xusay in tiknoolajiyada noocan ah ay khatar ku tahay nidaamka korontada Maraykanka
Warbixintu waxay sheegaysaa in qalabkaas loogu isticmaalay in lagu carqaladeeyo korontada dalka Ukraine markay taariikhdu ahayd December 2015kii.
Sida wargeyska Washington Post daabacay, hubkan casriga ah waxa uu awood u leeyahay inuu si xooggan u burburiyo nidaamka korontada oo si joogto ah nolosha Maraykanku ugu xidhan tahay.
Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in fayraskan oo ay ugu yeedheen CrashOverride uu awod u leeyahay inuu tamarta korontada meesha ka saaro, horena loogu tijaabiyey 2015ka dhammaadkiisii dalka Ukraine, gaar ahaan waxa ay khubarada hubkan isticmaashay 51% bakhtiisay awoodda korontada magaalada Kiev, balse horumar lagu sameeyey fayraskan waxa uu burburin karaa dhammaan korontada dalka maraykanka sida uu sheegay Sergio Caltagirone oo ah Agaasimaha Shirkadda Dragos oo ammaanka tiknoolajiyada qaabilsan oo baadhitaan ku sameeyey fayraskan Ruushku samaystay.
Khubarada Ruushka ah ee jabsata tiknoolajiyada (Hackers), ayaa aad u daneeya in ay bartilmaameedsadaan Maraykanka tiknoolajiyadiisa iyo korontadiisa sida warbixinta cilmi-baadhayaashu soo saareen lagu iftimiyey.
Arrintan ayaa soo baxday, kadib markii dawladda Maraykanku baadhitaan xooggan ku samaysay shaki laga qabay in dawladda Ruushku sannadkii hore jabsatay qalabka doorashooyinka Maraykanka, saamayna ku yeelatay natiijadii soo baxday uu Donald Trump ku guulaystay.
Xafiiska Maankaab