Deg Deg: Xildhibaan Ka Tirsan Xukuumadda Farmaajo Oo Imika La Diley

Date:

Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay mid kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaannadda Baarlamaanka dowladda Soomaaliya.

Dilka marxuumka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Towfiiq ee magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen Bastoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobtii dilka uu ka dhacay.

Ciidamada maamulka Koonfuur-galbeed, ayaa xaafaddii uu dilka ka dhacay ka sameeyay howlgallo, balse uma suuragelin in ay gacanta ku dhigaan kooxdii dilka geysatay.

Saraakiisha laamaha ammaanka magaalladda Baydhabo, dhinaca kale waxaa ay sheegeen in ay ku daba jiraan kooxdii dilay marxuumka, oo maanta lagu wado in la aaso.

Isniintii lasoo dhaafay ayeey aheyd, kadib markii Koox hubeysan ay xaafadda Cali Kamiin ee Degmada Warta-nabadda, ay dileen nabadoon caan ka ahaan degaanka.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Xuseen Madaxeey, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay ay ku hubeysnaayeen Bastoolado.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...