haweenay reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Hodan Cabdi Warsame ayaa shaaca ka qaaday inay indhaheeda ku aragtay Bariiska Halista badan ee aduunku ka qaylinayo ee caaga ah oo ay iyada ka iibiyeen Bakhaaro kuyaala Magaaladda Hargeysa gaar ahaan Xaafada Jigjiga yar ee Degmada Ibraahim koodbuur,Waxa ay ka sheekeeyay sida lagu karan karo, nooca uu u egyahay iyo Magaca uu sitay Bariis caag ah oo ay qoyskooda u iibisay oo ay sheegtay inay in muddo ah quudanayeen, Waxa kale oo ay sheekeeysay saamayn hor dhac ah oo ay caafimaad ahaan dareentay iyadoo sheegtay sidoo kale fariin culus u dirtay Shacabka reer Hargeysa.
Hodan Cabdi Warsame oo warbaahinta ugu warantay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay hadalkeeda ku bilawday sidan“Bariiskan Caagga ah markii hore waxaan ka soo iibsaday Bakhaar kuyaala Xaafadda Jigjiga yar,Bariiskani runtii maaha wax la ogaan karayo Inuu caag yahay,ka caadiga ahna faraq wayni uma dhexeeyo,bariiskan caagga ah baryo dhan ayaanu quudanaynay oo ay qoyskayagu isticmaalayeen,markii aanu ka shakinay ee aanu tijaabiyayna wuxuu noqday Caag,Wuxuu kujira Jawaan buluug ah,imikase waxaa laakiin isagoo ku jira Jawaano kale oo kala duwan,balse kan aan anigu soo iibsaday waxa uu kujiraa bac yar oo buluug ah,waxa la yidhaa “Supreme Basmat Rice” bariiskan markaad kariso bariis hore u jilcaya maaha,waa hadaad saacad iyo laba karisidba,Haddii xiitaa biyuhu kaaga bataan maaha bariis isku dhegaya,sideena caadiga ah haddii bariiska biyuhu kaaga bato wuu isku dhegaa,“Markaa bariiskani waa bariis aad u adag,oon si dhib yar u jilcin,markii dambe tijaabadaasi Yutube-ka la soo galiyay ee Baraha Bulshada haystay ayaan sidiisa oo kale u tijaabiyay wuxuu boodayay sida Kubada oo kale,Waa bariis meel kasta hadaad ka soo jarto aan kala baxayn”.
Hodan oo ka sheekaynaysa saamaynta caafimaad ee ay dareemeen ee uu ku keenay intii ay isticmaalayeen bariiska Caaga ah ayaa waxa ay tidhi “horta aniga laftayda waxaa igu dhacay Calool xannuun faro badan oo aan caadi ahayn,ayaan anigu dareemay,dhakhtarka ayaan tagay dhiig iyo wax walba waa la iga baadhay,waxba waa la iga heli waayay,aan ka ahayn Gaastarig,waa bariis caag ah oo kolay samayn badan ayuu calooshaada ku keenayaa,hore qofka waxba uma yeelayo ayaa la yidhi laakiin muddo marka uu qofku cuno beerkiisa caagaasi wax wayn ayuu yeeli karaa,xiitaa “Liver Cancer” kansar Beerka ku dhaca ayaa laga qaadaa, sidaan anigu baadhitaan Cilmiyaysan ugu sameeyay,waligayo qoyskayagu Gaastari may lahayn,aniga ayaa ugu horeeya oo la iga helay,Waxaana sababay Bariiskaasi”. Iyadoo haddalkeeda sii wadata ayaa waxa ay tidhi“sida aan ognahay Arintani Bariiska oo keli ah kuma koobna,Waxa soo Baxay Beed Caag ka samaysan,iyo keegag yar oo baco ku moorsan oo carruurtu inta badan cunto,markaa waxa jira waxyaalo badan oo la inoo soo waarido oo Xannuuno iyo saamayn caafimaad oo horleh xambaarsan.” ayay tidhi haweenaydani.
https://youtu.be/61IwtRRV65o