Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa Shalay fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay isla-markaana soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwadda loo heysto laba Askari oo ilaalo u ahaa Hanti-dhowrkii guud ee Qaranka, kuwaas oo lagu eedeeyay dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska dowladda Soomaaliya Marxuum Cabbaas.
Labada Askari ee lagu eedeeyay dilka wasiirka ayaa kala ah Dable Axmed C/llaahi Cabdi Caydiid iyo Saddex alifle Cismaan Salaad Barre.
Maxkamadda, waxaa Shalay ku sugnaa Garsoorayaasha Maxkamadda, Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida Looyarro ilaa siddeed gaadhayay oo u doodayay eedeysanayaasha iyo sidoo kale eheleda labada dhinac iyo dad weyne kale.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Col. Xasan Cali Nuur “Shuute”, ayaa Maxkamadda ka hor sheegay inay go’aan ka gaadhi doono dacwadda labada eedeysane.
Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabbaas Siraaji, ayaa u geeriyooday xabad gaadhigiisa lagu furay darteed, bishii May ee sanadkan xilli habeennimo ah.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mr. Yarisow ayaa yidhi “Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Wuxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto.”