Dowladda Qatar oo ciidamadeeda Nabad-ilaalinta kala baxday xadka u dhexeeya wadamadda Djibouti-Eritrea

Date:

Dowladda Qadar ayaa ciidamadeeda Nabad-ilaalinta ah kala soo baxday xadka u dhexeeya wadamada Jabuuti iyo Eritrea, kadib markii labada wadan ee ku yaalla bariga Africa ay la safteen dalka Sacuudiga.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar, wax sabab ah kama uusan bixin, balse arrintan ayaa imaaneysa xili xiisad diplomaasiyadeed iyo cunaqabateen ay la kulmeyso xukuumadda Doha.

Sida laga soo xigtay hay’adda UN Monitoring group, dowladda Qatar ayaa 200 oo askari ay ka joogaan xadka labada wadan, kuwaas oo nabada ilaalinaya. Sidoo kale ciidamada ayaa ka qeyb-qaadanayay wada hadalo iyo dhex-dhexaadin.

Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...