Qatar Airways Oo Qaramada Midoobay Ka Dacwaysay Dawlado diiday Inay Hawadoda Ku Duusho

Date:

Shirkadda Duullimaadka ee Qatar Airways, ayaa ka codsatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO inay tallaabo ka qaado xayiraadda duullimaad ee lagu rogay shirkadda.

Akbar Al Baker oo ah madaxa Shirkadda Qatar Airways ayaa sheegay in sharci darro lagu heysto Qatar Airways, maaddaama Dalalka Khaliijka Carabtu xayiraad dhanka Duulimaadka ah ku soo rogeen Shirkaddaasi.

Afar wadan ayaa Xidhiidhka u jaray dowladda Qatar toddobaad ka hor, kadib markii xukuumadda Doxa, ay ku eedeeyen in ay taageeraan argagixisada.

Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Xidhiidhka diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xidhatay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...