Claudio Ranieri ayaa dib ugu soo laabtay kubbada cagta kaddib markii laga soo ceyriyay kooxda Leicester City oo uu si lama filaan ah ugu gacan galiyay Premier League.
Tababaraha reer Talyaani ayaa si rasmi ah loogu magacaabay macallinka kooxda Nantes ee ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 dalka Faransiiska.
Ranieri ayaa si cid kasta amakaag ku noqotay Premier League ugu gacan galiyay Leicester City 2016 laakiin waxay ku abaal mariyeen inay kooxda ka soo ceyriyaan xagaagii la soo dhaafay bishii September.
66 jirka ayaa horey u soo leyliyay kooxda Monaco ee ka dhisan Faransiiska sanadihii u dhexeeyay 2012 ilaa 2014 wuxuuna dib ugu soo celiyay heerka koowaad.
Kooxda Nantes ayaa kal ciyaareedka si cajiib ah ku dhammeysatay kaddib markii ay soo xiratay kaalinta 7-aad, laakiin waxay ku guul darreysteen inay u soo baxaan Europa League.
#Ranieri appointed new boss at #Ligue1 side, #Nantes.#Football #TransferNews #SportsDilse pic.twitter.com/w9qdsK5A7R
— Sportsdilse (@Sportsdilse) June 13, 2017