Dawladda Iran ayaa dalka Qatar u dirtay diyaarado sida cunto, ka dib markii xiisadda ka taagan Dalalka Khaliijka ay saamaysay wax soo dhoofsashada dalkaasi yar ee ay isku kacsan yihiin waddamada jaarka la ah.
Shirkadda diyaaradaha Qaran ee Dalka Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunt iyo khudaar ay u duuleen dalka Qatar Shalay.
Ilaa iyo hadda lama sheegin in cunnadaasi ay tahay gargaar, ama in ay iibsatay Qatar.
Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo dalal kale oo gobolkaasi ku yaalla ayaa jaray xidhiidhka dhulka, badda iyo hawada ee ay la leeyihiin Qadar, waxaana taasi ka dhalatay cabsi ah in dalkaasi ay soo food saarto cunno yari.
Dalalka deriska la ah Qatar ayaa xannibaadaasi saaray, iyagoo ku eedaynaya in ay taageerto ururada jihaadiga ah, ayna xidhiidh dhaw la leedahay Iran, wallow Xukuumadda Dooxa ay beenisay eedeymahaasi loo jeediyay.
Dhanka kale, Dawladda Turkiga ayaa hore u sheegtay inay garab taagan tahay Dawladda Qadar, waxaana Baarlamaanka Tukigu ansixiyey in Dalkaasi loo diro illaa Shan kun oo Milletari ah.