Waddan Muslim Ah Oo Dadkiisa U Qabtay In Ay Tukashada Salaadda Taraawiixda Ku Soo Koobaan Saacad Kali Ah Iyo Shacabka Oo Ka Biyo Diiday

Date:

Xukuumadda waddanka Aljeeriya ayaa soo saartay go’aan ay dadka dalkaasi aad uga xumaadeen oo durba dhaqan galay kadib markii ay dadkooda ku war geliyeen oo ku soo rogeen qaanuun dhigaya in aan la ogolayn wax ka badan hal saac oo kali ah in dadku tukan karaan salaadda taraawiixda ee ay dadku masaajidada ku camiraan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Saraakiisha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dalkaasi Aljeeriya ayaa shaaciyey in ay go’aan ku gaadheen soona saareen sharci dhigaya in dadka musaliinta ah ee ku guda jira tukashada salaadda Taraawiixda wakhtiga ay salaadaasi tukanayaan lagu soo koobay oo kali ah hal saac iyada oo aan masaajidna laga ogolaan doonin in uu saacad ka badiyo wakhtiga tukashada salaadda iyada oo qoraalka sharci ee wasaaradda diintu soo saartay lagu socodsiiyey dhammaanba culimada gacanta ku haya masaajidada dalkaasi iyada oo xukuumaddu go’aankeedan ku macnaysay xaalado la xidhiidha ilaalinta ammaanka dadka tukanaya salaadda taraawiixda sida ay u dhigeen.
Sida lagu baahiyey wargeyska caanka ah ee dalkaasi Aljeeriya ka soo baxa ee lagu magacaabo Al-shuruuq oo wargeyska Foore warbixintan ka soo xigtay, wasaaradda Diinta afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay qaraarkan ka soo saareen kaasi oo lagu soo koobayo saacadaha la tukado salaadda taraawiixda isaga oo sheegay in ay sidaasi u yeelayaan sugidda amniga iyo in la fududeeyo saxmadda badan ee ay dhaliyaan marka dadku salaadda taraawiixda ku tukanayaan goobaha barxadda masaajidada oo buuq iyo xannibaad badan keenta laguna soo dhuuman karo iyada oo ay ka faa’iidaysanayaan dadka waxyeelada gaystaa sida ay qaraarkaasi ku sheegayso wasaaraddu.
Qaraarkan ayaa noqonaya mid dalkaasi ka dhaqan galay durba isaga oo noqonaya sannadkii labaaad oo xidhiidh ah oo dalkaasi lagu soo rogayo amar lagu yaraynayo saacadaha dadku tukanayaan salaadda taraawiixda halka sidoo kale amarkani culimada masaajidada iyo imaamyada lagu farayo in ay salaadda fududeeyeen oo aayado kooban ku tukiyaan dadka si dhammaanba rakcadaha ay salaadda taraawiixdu ka kooban tahay lagu soo koobo oo kali ah saacad.
Qaar ka mid ah culimada dalkaasi iyo dadweynaha badankiisa ayaa aad uga xumaaday go’aankaasi ay xukuumadoodu soo saartay oo ay u arkaan mid cidhiidhi lagu galinayo wakhtigii habboonaa ee ay ILAAHAY SWT u taagnaan lahaayeen ee u gudan lahaayeen salaadda Taraawiixda oo ka mid ah salaadaha muhiimka ah ee bishan Barakaysan ee Ramadaan lagu oogo laguna cammiro masaajidada iyada oo dadka qaar amarkaasi ku tilmaameen mid xad-gudub ku ah xuquuqda aasaasiga ah ee dadka gaar ahaan xorriyadda cibaado oo dastuurka dalkaasi u dammaanad qaaday balse xukuumadda ayaa ku doodaysa in go’aankaasi ay kaliya u gaadhay ilaalinta ammaanka iyo bad-qabka dadkeeda sida ay u dhigtay wakhti qaraxyo badani ka dhacayaan magaalooyinka islaamka qaar ka mid ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...