Waxay ku siman tahay idinkoo Illaahay ka barya Khilaafka Carabta oo sii laba-kacleeya!
Ducadeenu yaanay innaga lumin, ha kala ilaawina walaal waa Sidan:-
Illaahayoow Carabtu Madaxa isla sii gashaa.
Illaahayoow Soomaaliyana Taageeradda Qatar ka badheedha.
Dabadeed Allow Sucuudigu ugu hor dhawaaqaa Aqoonsiga Somaliland, Masar iyo Imaaraatkuna isku mar ku dhawaaqaan, Baxrayna Sikino kadib kaga daba dhufataa, Subaxana Itoobiya, Keneya, Uganda, DJabouti kadib Dunida kale.
Maasha Allaah ha sugi waayin!!!!
Ducaysta oo isu sii share gareeya!
Waa iska kala Cadaatay .
Somalia: Qatar
Somaliland Saudi Arabia.
Haddaba bal ila eeg intan yar .
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa cad oo aan madmadow Ku jirin Faa’iidada ay ku bedelatay Afartii Bilyan ee dollar ee Dawladda Sucuudigu ugu deeqi lahayd.
Somaliland:-
1- Xoolihii Noolaa ee Sucuudigu Xidhay siddii bay u Xayiran yihiin.
2-Siddii baynu u aqoonsi la’nahay.
4-Dhaqaale la’aantu Siddii bay u taagan tahay
5-Shaqo la’aantu waa halkeedi.
Waxaas oo dhami waa dhibaatooyin Qarankani talaabo ka qaadi kari la’yahay.
Ma diidin in Somaliland dhinac noqoto oo aannay meel is xakamin.
Lakin aduun waa dan , Dantuna waa Seeto, haddaba Marka laga yimaado Nacaybka Xukuumadeenu u muujisay Cidkasta oo gacan siisa sidday sheegeen waxa loogu yeedho Aragagixisadda; waa maxay waxa aynu Ku bedelanay Taageeradeena innagoo Shantaasi dhibaato isukeen barkadeen miyeynu Dhibaato Lixaad (Argagixisadda) oo aan Alleba innagu salidin nacaybkeeda kaga mid noqonay Sucuudiga Xulufaddiisa.
Waa run Siyaasadda arimaha Dibadda Somaliland iyo Somalia laba ayay ka kala dhigtay arintani, haddana waxaa taasi dabataala oo mudan inn Madaxda Somaliland isweydiiso Waxyeelada ay iyana Ku keeni karto.
Go’aankani ma xuma lakin Xumaha uu dhali karo Somaliland ma ka heli doontaa Xuluafadda Sucuudiga Waxay kaga hortagto amma iskaga difaacdo balaaba haddii ay dhacdo.
Xigasho Terra