Raysalwasaare Kheyre iyo wefdigiisi oo Adis Ababa lagu soo dhaweeyey

Date:

Raysalwasaaraha xukuumada federaaliga ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay uga qeybgalayaan shir aan caadi ahayan ee ay yeelanayaan hogaamiyaasha urur gobolleedka IGAD.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Adis Ababa ayaa garoonka diyaaradaha ee Bole International ku soo dhaweeyey wefdiga Raysalwasaaraha kadib waxa uu kulan la qaatey Raysalwasaaraha Itoobiya H. Desalegn.

Shirka IGAD waxaa looga hadlayaa xaaladda Suudaanta Koonfureed, waxaana ku dhawaaqey shirkan Raysalwasaaraha Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayey ahayd in uu ak qayb-galo waxana Madaxweynuhu sheegay in hawlo badan u yaalaan sidaas darteed uu booskiisi u diray Raysalwasaaraha.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa uga ambabaxo, isagoo bedelay madaxweynaha Soomaaliya oo markii hore qorshuhu uu ahaa in madaxweynuhu ka qaybgalo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...