Qiso layaab Leh: Nin Masiixi Ah Oo Dadka Muslimiinta Ah Suxuurta U Toosinaya Sannadkii 14aad Oo Xidhiidh Ah Iyo Ujeedada Uu Ka Leeyahay

Date:

Tuulada Al-makar ee ku taalla Magaalada Cakka ee dhulka reer Falastiin gaar ahaan dhulka loo yaqaano Jaliilka hoose ee dhulkii 48-kii waxa dadka Muslimiinta ah ee ku nool suxuurta u kiciya muddo 14 sanadood ah oo xidhiidh ah nin Masiixi ah oo aan isagu muslim ahayn haddana aanay habeen kali ah oo ramadaan ahi ka tagin in uu dadka tuuladiisa kula nool u toosiyo suxuurta isaga oo albaab walba oo tuulada ka mid ah istaago wakhtiga ay suxuurtu taagan tahay waxaanu hawshaasi ninkan masiixiga ahi gudanayaa bishan Ramadaan ee aan ku jirno sannadkii 14aad ama ramadaantii 14aad oo xidhiidh ah.
Warbixintan layaabka leh oo Wargeyska FOORE idiinka soo turjumay Telefishanka Caalamiga ah ee Al-jazeera waxa ay sheegaysaa in Misheel Ayuub oo ah nin Masiixi ah oo da’ dhexaad ah ayaa Telefishanka Al-jazeera oo booqasho ku tagay tuuladaasi waraysina ka qaaday ninkan u sheegay in uu ku faraxsan yahay in si kasta oo uu u yahay nin Kiristaan ah haddana uu dadkiisa carabta ah kala midaysan yahay wada noolaanshaha iyo nabad ku wada deganaanta isaga oo sheegay in caqiiqada uu aaminsan yahay aanay ka hor istaagay in uu dadkiisa Muslimka ah la qaybsado arrimaha gudashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan isna uu muddo laga joogo 14 sanadood hadda ka hor isku xil saaray in uu dadka suxuurta u kiciyo.

Misheel Ayuub oo telefishanka Al-jazeera la hadlayay waxa uu yidhi: “Hawshan waxa aan ku baraarugay aniga oo da’yar oo aan isku xil qaamay walina waan wadaa. Waxa aan u qabtaa hawshan si mutadawacnimo ah oo aanay cidina igu khasbayn. Waxa aan dadka u toosiyaa suxuurta waana jawi aad u macaan in aan dadka muslimiinta ah ee dalkayga la qaato jawiga macaan ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Ma ihi nin muslim ah ee waxaan ahay nin masiixi ah balse waxa na mideeya dalka iyo dadka. Waxa aan muujinayaa oo dadka walaalaha ah u muujinayaa in aan la dareen ahay oo aan cibaadadooda ka caawinayo

Misheel Ayuub ayaa waxa uu toosaa habeenkii hal saac oo habeenimo kadib guriga ayuu ka baxaa isaga oo gacanta ku haysta durbaan yar iyo ushii uu ku tumayay kadibna waxa uu hawsha suxuur u toosinta dadka bilaabaa 2-da subaxnimo illaa saddexda isaga oo wadooyinka magaalada Makar ku soo wareega sakad kastana la raaca durbaankiisa isaga oo ku dhawaaqaya in ay dadku suxuurta u toosaan albaab walbana is taagaya. Waxa uu hawshaasi wadaa illaa laga soo gaadhayo aadaanka dambe ee salaadda subax kadibna waxa uu isaga noqdaa gurigiisa. Ereyada uu ku dhawaaqo Misheel Ayuub waxa ka mid ah: “Kaagan Hurdoow u kac Suxuurta oo raxmaankaa u soon una subaxayso”. Dadka tuulada ku nool ee uu suxuurta u toosiyaa waxa ay furtaan albaabada iyo daaqadaha si ay u soo dhaweeyaan una sheegaan in ay kaceen oo uu ku mahadsan yahay. Waxa ay qaarkood ugu yeedhaan in uu la suxuurto oo wax la cuno iyaga oo hadalo wanaagsan oo dabacsan ugu yeedha.
Misheel Ayuub marka uu hawshaasi guto waxa uu ku noqdaa hoygiisa isaga oo kadib u diyaar garooba salaadda subax in uu shaqo tago inkasta oo uu saacado adag ku soo qaatay hawsha suxuur toosinta. Ugu dambayn Misheel Ayuub waxa uu telefishanka u sheegay in ujeedada uu arrinkaasi la leeyahay tahay is dhex galka bulshada iyo in ay dadku walaalo yihiin diin kasta oo ay kala aaminsan yihiin waxaanu u sheegay in uu uga gol leeyahay in carabtu Muslim iyo masiixiba ay walaalo yihiin oo uu karaahiyada iyo cadaawadda ka dhex saaro.
Misheel Ayuub waxa uu xafidsan yahay aayado qur’aan ah oo kooban waxaanu inta badan ku dadaalaa in uu dadka wanaagga faro.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...