Maleeshiyo Weerartay Xabsi Ku Yaalla Dalka Kongo Oo Sii Daysay 900 Oo Maxbuus.

Date:

11 qof ayaa la dilay kadib markii maleeshiyo ay weerartay xabsi ku yaalla dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Kongo, waxayna xabsiga ka sii daayeen in ka badan 900 oo maxbuus, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Kivu ayaa sheegay in maleeshiyadu ay adeegsadeen hub aad u culus oo ay ku jabiyeen xabsiga oo ku yaala magaalada Beni.

Ugu yaraan 8 ka mid ah dadka dhintay waxay ahayeen askartii ilaalinaysay xabsiga.

Bandhow ayaa lagu soo rogay magaalada.

Weli ma cadda cidda ay yihiin malayshiyada weerarka soo qaaday.

Nin u ololeeya xuquuqa aadanaha oo la yiraahdo Teddy Kataliko ayaa sheegay in inta badan maleeshiyadda ka dagaalanta gobolkaasi ay yihiin kuwa doonaya in ay iskood isku difaacaan oo loogu yeero Mai Mai.

Dalka Demoqaraadiga Congo, mushkilo ayaa ka taagnayd tan iyo markii madaxweyne Kabila uu diiday in uu xilka ka dego, kadib markii uu wakhtigiisii dhamaaday sannadkii tagay.

Dhacda ka dhacday Beni waxay ugu dambaysay dhacdooyin xiriir ahaa oo lagu bartilmaamaydsanayey xabsiyada afartii bilood ee la soo dhaafay.

Bishii la soo dhaafay, afar kun oo maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi si aad ah loo ilaalinayey oo ku yaala caasimada Kinshasa kadib weerar ay soo qaaday koox gooni goosad doonaysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...