Dadka ku nool Dalka Sucuudiga ayaa la xaqiijiyay inay si xad dhaaf ah u isticmaalaan Bariiska bisha ramadaan, maadaama oo Dadka ku nool Dalkaasi isticmaalaan 9,000tan oo bariis ah, kaasi oo ah xaddi aad u badan, mid ka mid ah ganacsatada Dalkaasi u soo waarida Bariiska oo la yidhaahdo Maxamed Al-shuclaan ayaa waxa uu sheegay in iibka bariisku kor u kaco bisha Ramadaan.
Arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxay tahay in tobanka dambe ee bisha ramadaan ay Dadka ku nool Dalkaasi isticmaalaan 60 Tan oo bariis ah maalintii ba.
Maxamed Al-Shaclaan ayaa wareysi uu siiyay Jarriidada Al-watan ee ka soo baxda dalkaasi waxa uu ku yidhi “Dalka ugu badan ee aanu ka soo iibsano Bariiska waa Dalka Hindiya”, Bariiska ayaa noqday cuntooyinka ugu badan ee Dalka Sucuudiga looga keeno debada iyadoo Dad aad u tiro badani ay aad uga cabanayaan Cudurka Macaanka oo dadka qaba ay had iyo jeer iska ilaaliyaan cunista badan ee Bariiska.