warar ka Imanaya Dhanka Iyo Muqdisho ayaa waxa ayaa sheegaya in Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xilligan kulan la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Wasiiru dowlaha Qatar uu sidoo kale la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu mahad celiyo go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan inay dhex dhexaad ka noqoto xiisada siyaasadeed ee dowladdaha Khaliijka.
Soomaaliya ayaa haatan ku dhex dhacday xaalada siyaasadeed ee Khaliijka, iyadoo ay heysato labo daran mid dooro, iyadoo Qatar ay saaxib dhow la tahay shaqsiyaad ku dhow Madaxweyne Farmaajo, halka Sacuudigana uu ku adkeysanayo hadii aysan xidhiidhka u jarin in uusan dhaqaalihii u balan qaaday siin doonin.
Dowladda Qatar ayaa la kulmeysa cadaadis weyn, tan iyo markii xulafada uu Sacuudiga hoggaamiyo ay xidhiidhka u jareen, isla markaana la geliyay go’doomin dhanka ganacsiga, lagana xidhtay hawada, badda iyo dhulka.
Lama oga saameynta arrintan ku yeelan karto dowladda Federaalka imaatinta Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Qatar, iyadoo Sacuudiga xilligan u muuqdo mid ku cadaadinaya dowladda Soomaaliya inay xidhiidhka u jarto Qatar