Somalia: Wasiiro Ay Somaliya Sucuudiga U Dirtay Oo Weji Gabax Kala Soo Laabtay Riyaad

Date:

Riyad(Geeska/W.Wararka)-Xubno wasiiro ah oo ka koobnaa lix wasiir iyo xubno kale oo ah agaasimayaal iyo la taliyayaal ah oo ka socday dawladda Somaliya oo safar ku tagay dalka Sucuudiga, ayaa weji gabax kala kulmay dawladda Sucuudiga.

Wasiiradan oo uu qorshahoodu ahaa inay sii ambo qaadaan heshiis dhex maray Soomaaliya iyo Sucuudiga oo u badnaa caawimo Sucuudigu siinayay Somaliya, ayaa waxa hawlihii ay u soceen saameeyay go’aanka dhexdhexaadka ah ee ay dawladda Somaliya ka qaadatay khilaafka ka dhex qarxay wadamada Khaliijka ee lagu go’doomiyay dalka Qatar.

Wasiiradan iyo agaasimayaashan oo uu qorshahoodu ahaa inay la kulmaan wasiirada Sucuudiga ee dhigooda ayaa waxa loo soo diray agaasimayaal iyo saraakiil kale, kuwaas oo xataa ku tiraabayay inaanay xiisanayn kulanka, iyagoo ka shidaal qaadanaya mawqifka dawladda Somaliya. Waxaana soo baxaya in Sucuudigu diiday inuu dhaqaalihii uu u balan qaaday siiyo Soomaaliya ilaa inta ay xidhiidhka u jarayso dalka Qatar.

Wasiirada dawladda Somaliya ayaa iyagu dhinacooda sheegay in kulamadu ugu qabsoomeen si wanaagsan islamarkaana aanay wax caqabad ah kala kulmin dawladda Sucuudiga.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in weji gabaxa ay Sucuudiga kala kulmeen wasiirada Somaliya ay sabab u tahay, ergay Sucuudigu khamiistii u soo diray Muqdisho, kaas oo siday farriin uu boqorka Sucuudigu Madaxweyne Farmaajo kaga dalbanayay in Somaliya xidhiidhka u jarto dalka Qatar. Mr. Farmaajo ayay wararku sheegeen inuu ku adkaystay inay Somaliya dhexdhexaad ka noqonaysa xiisada ka taagan gobalka Khaliijka, taas oo aanu ergaygu jeclaysan. Sucuudiga ayaa isku dayay inuu Farmaajo ku qanciyo inuu qaato mawqifkooda oo kale, waxaana soo dhex galay Madaxweynaha Jabuuti oo Mr. Farmaajo ka codsaday inuu ugu yaraan hoos u dhigo xidhiidhka diblomasiayadeed ee Qatar, taas oo uu farmaajana diiday.

Ergayga Sucuudiga oo watay diyaaad gaar ah ayaa markii uu ku noqonayay dalkiisa waxa sii raacay weftigan wasiirada Somaliya ah oo arrimihii ay u soceen ay u muuqdaan inaanay wax macno lehi ugu soo qabsoomin.

Si kastaba ha ahaate, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, madaxweynaha Somaliya ayaa u muuqda inuu ka gaws adaygay inuu garab istaago xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka ee ka dhanka ah Qatar, waxaana la ogyahay kaalintii ay dawladda Qatar ku lahayd dhisitaankii Farmaajo markii uu u ordayay kurisgan madaxweynaha Somaliya ee uu hadda ku fadhiyo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...