“Qatar Weligeed Ba Waxa Ay Taageeri Jirtay Argagixisada” Donald Trump

Date:

Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale ka hadley xasaradda ba’an ee diblomaasiyadeed ee ka taagan dalalka Khaliijka ee go’doomiyey dallka Qatar.

Trump oo shir saxaafadeed ku qabtey Aqalka Cad isaga oo dhinaciisa uu taagan yahay dhigiisa dalka Roomaaniya ayaa sheegay in Dalka Qatar uu taariikh u lahaa taageerada Argagxisada, waxaana laga doonayaa in ay talaabo qaadaan oo oojoojiyaan ayuu yiri Trump oo mar kale soo bandhigey iska hor imaadka Dowladiisa ee xasaradda dalalka Khaliijka.

Trump ayaa dalalka Muslimiinta iyo carabta ku booriyey in ay joojiyaan dadka la badhaayo in ay dilaan dadka kale, kuwa nacaybka lagu abuurayo waa in la joojiyaa ayuu yidhi.

Donald Trump ayaa markii uu soo baxay go’aanka dalalka Carabta ee xayiraadda dhankasta ah ee dalka Qatar sheegtey in arrintaani ay ka dhalatey safarkii uu Sucuudiga ka tegey, ayna tahay bilow. Muddo yar kadib ayuu is bedelay waxaana uu xidhiidhka dhanka Telefoonka ah la sameeyey Amiirka Qatar oo u sheegay in uu doonaayo xaaladda la dejiyo oo wadahadal lagu dhameeyo, kadib waxaa xigey khudbadiisan bomka ah ee uu Qatar ku sheegay mid taariikh u leh taageerada Argagixisada.

Warka Trump ayaa imaanaya iyada oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Marayknaka Rex Tillerson, sheegay in cunno qabateynta iyo go’doominta Qatar ay keeneyso hoos u dhac ku yimaada la dagaalanaka ISIS, oo kamid ah kooxaha lagu eedeynayo Qatar in ay maalgeliso, waxaana uu dalbadey in si degdeg ah loo soo afjaro xasarada oo wada hadal lagu dhameeyo.

Maraykanku waxa uu saldhigga ugu weyn ee Bariga Dhexe ku lee yahay dalka Qatar, Al Udeid, waxaana ku sugan ciidamo gaaraya 11 000 oo askeri, Wasiirka Difaaca Maraykanku Gen. Mattis wuxuu sheegay in Qatar ay wada shaqeyn fiican lee yihiin meel loo raraayo hadda saldhigaasna aysan jirin.

Waxaa muuqata go’aanka dalalka Khaliijka ee Sucuudiga, Imaraadka iyo Baxreyn uu yahay mid uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Maraykanka Dodnald Trump, waxaana warar is khgilaafsan ka soo baxeen Aqalka Cad, Arrimaha Dibadda iyo Pentgon oo dhinac ah iyo Madaxweynaha iyo bartiisa twitterka oo dhinac ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...