Somalia: Guddoomiye waaxeed ku dhintay iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda

Date:

Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmada Kaaraan oo lagu magacaabo jiray Cabdi Maxamed Dhagey ayaa la sheegay in uu ku dhintay dad kalana ku dhaawacmeen, kaddib iska horimaad dhaxmaray ciidamada xasilinta ciidamada iyo rag ka tirsanaa militariga dowladda Soomaaliya.

Iska horimaadka ayaa dhacay kaddib markii sida la sheegay ciidamada xasilinta loogu yeeray in ay wax ka qabtaan rag ku labisnaa dareyska militariga dowladda Soomaaliya oo qalalaase ka abuuray goob lagu qeybinayay raashin gargaar ah.

Ciidamada ayaa markii ay goobta tageen ku amray ragga goobta qalalaasaha ka abuuray in ay hubka dhigaan kuwaa oo la sheegay in ay diideen, taasoo keentay in labada dhinac is rasaaseyn dhaxmarto.

Ciidamada xasilinta caasimada ayaa waaydii ugu danbeeyayba ka wada magaalada Muqdisho howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, iyaga oo si gaar ah u bartilmaameedsada dadka hubka ku dhax sita caasimada oo laga mamnuucay in hubka lagu dhax qaato.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...