Qatar oo Qaadacday Diiwaanka ururada Argagaxisada ee Sacuudiga soo bandhigay

Date:

Dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraatiga ayaa khamiistii shalay soo saaray Diiwaanka ama listiga shaqsiyaadka iyo kooxo ay sheegeen inay xiriir laleeyihiin argagaxisada kuwaasi oo xiriir laleh dowlada Qatar.

Diiwaankan ay soo bandhigeen xulafada Sacuudiga ayaa waxaa ku jira 59 qof iyo 12 urur oo la sheegay inay xiriir laleeyihiin ama maalgeliyaan kooxo argagaxiso ah.

Dadka listigan ku jira waxaa kamid ah wadaadka caanka ah ee Yusuf Al Qardaawi oo isagu kunool dalka Qatar. Al Qardaawi wuxuu leeyahay urur samafal ah oo ay maalgeliso dowlada Qatar.

Shaqsiyaadka xayiraada la saaray ayaa waxaa ku jira 18 qof oo kasoo jeeda dalka Qatar kuwaasi oo ay ku jiraan ganacsato waaweyn, siyaasiyiin iyo waliba qaar kamid ah qoyska Boqortooyada Qatar.

Listiga Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey ururada Carabta ee u dooda Xuquuqul insaanka ee loo yaqaan (AOHR).

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Qatar ayaa maanta oo Jimce ah looga jawaabay xayiraada Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ay saareen shaqsiyaadka iyo ururada xiriirka laleh Qatar.

Qatar ayaa sheegtay in diiwaankan ay soo saareen xulafada Sacuudiga ay markale muujineyso inay wax sal iyo raad ah aysan lahayn eedeyntooda ah in arrintan wax xiriir ah laleedahay argagaxisada, balse dalalkaasi doonayaan inay caburiyaan dadka kasoo horjeedo siyaasadooda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...