Booliska Dalka Mozambique ayaa u digay Ragga bidaarta leh in ay bartilmaameed u noqon karaa weerarro.
Waxaa ay sheegeen Boolisku Saddex Nin oo bidaar leh in lagu dilay dhawaan degmada dhexe ee Milange, kuwaasi oo mid ka mid ah lagala baxay xubnaha jidhkiisa.
Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in Raggan bidaarta leh ay dileen dad aaminsan in Qofka Ninka Bidaarta leh uu Madaxiisa ku jiro Dahab.
Laba Qof oo dhallinyaro ah isla-markaana looga shakisan yahay Dilka Saddexda Nin ee Bidaartooda awgeed loo dilay, ayaa la xidhay, waxaana lagu wadaa baadhitaan la xidhiidha kiiskan.
Waxa ay Booliiska u sheegeen in jidhka Ragga bidaarta leh loo isticmaalo xafladaha isla-markana la rumaysan yahay in ay badinayso hantida.
Dhaqankan wali hore looma soo sheegin, hase-yeeshee waxaa jiray in la dilay dad badan Albiinada loo yaqaaanno ee koonfurta iyo bariga Afrika, gaar ahaan dalka Tanzania, kuwaasi oo qaybaha jidhkooda ay dhaqan ahaan u isticmaalaan Dadka qaarkood.
Waxa la rumaysan yahay in dadka iibsadaa Jidhka Dadka Albiinada loo yaqaanno ay aaminsan yihiin inay u soo jiidaan nasiib wanaagsan iyo jaceyl.