War-bixin: Khilaafka Dalalka Khaliijku Ma Muxuu Ka Dhashay Xidhiidh Qadar La Leedahay Ikhwaanul Muslimiin ?

Date:

Dad badan ayaa aaminsan in khilaafka siyaasadeed ee Dalalka Khaliijka iyo Qatar sida ay warbaahinta Adduunku tabinayso ama suuqa lasoo galiyay ee ah inay Dawladda Qatar gacan siiso Ururka Ikhwaan Al-muslimiin ama ay xidhiihdhka ay la leedahay Dalka Iran sababtay Go’doominta ay Dalalka Khaliijku geliyeen Qadar.

Waxaan ka xumahay in aan idhaahdo xaqiiqada dhabta ah ee keentay Khilaafkani waa arrin taa ka duwan, waxa warbaahinta lagu baahiyayna waa marin habaabin aan xaqiiqo ahayn, Waayo? waxaa xaqiiqo ah in haddii Khilaaf siyaasadeed yimaaddo in sababta keentay ay tahay Damac dhaqaale, ma jirto laba ku muransan in Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex qarxay Dalka Sucuudiga iyo Qatar uu bilaabmay kadib markii Madaxwayne Trump uu booqasho ku tagay Dalka Sucuudiga.

Waxa la sheegay in Madaxwayne Trump-ka Maraykanku uu kala soo noqday Dalka Sucuudiga lacag dhan 500 oo Milyaar oo Dollar, laakiin run ahaantii qiimaha dhabta ah ee uu Madaxwayne Trump kala soo noqday Sucuudiga ma aha qiimahaasi waayo? Madaxwayne Trump ka hor intii aan booqan Sucuudiga waxa uu ka codsaday Saddex Dal oo ka mid ah Dalalka Khaliijka inay soo ururiyaan Lacag dhan 1,500 oo Milyaar oo Dollarka Maraykanka ah, waxa aanu lacagtaasi dalbaday inuu helo intaanu dib uga dhoofin Sucuudiga, Maaddaama oo uu aamisan yahay in Shacabka Khaliijka iyo madaxdooduba ay yihiin Lo’ haysta Hanti iyo lacag aanay xaq u lahayn inay haystaan.

Madaxweyne Donald Trump, wuxuu doonayey in in hantidaasi badan uu ula noqdo shacbkiisa, waxaanu bartiisa Twitter-ka uu markii uu dib ugu laabtay Maraykanka uu soo dhigay qoraal uu ugu bushaaraynayo Shacabka Dalkaasi Maraykanka oo uu ku leeyahay “Waxaan idin kula soo noqday boqollaal Milyaar oo Maraykan ah oo aan idinka soo qaaday dalalka Bariga dhexe”.

Sidoo kale, arrintani waa arrin Madaxwayne Trump uu rabo inuu ku aamusiiyo Mucaaridkiisa ku sugan gudaha Dalka Maraykanka, waana guul dhaqaale oo aanay Madaxwaynayaashi hore ee soo maray Dalkaasi Maraykanku aanay ku gaadhin muddo afar bilood ah, balse Trump waxa uu guushaasi dhaqaale gaadhay isaga oo xilka Dalkaasi hayay afar bilood oo kaliya ah.

Saddexda Dal ee lacagtan bixinayay waxay kala ahaayeen Sucuudiga, Qatar iyo Imaaraadka, waxaase is weydiin leh waa maxay sababta saddexda dal oo keliya ay u bixinayeen lacagtaasi oo dhan ?. Jawaabta su’aashaasi waxay tahay saddexdaasi dal waxa ku yaalla Saldhigyada Millatari ee ugu waawayn Adduunka ee uu leeyahay Maraykanku, waxaana ku sugan kumanaan ka mid ah ciidanka Marines-ka ee Dalkaasi.

Sidaasi darteed, Khilaafka soo kala dhex galay Sucuudiga iyo Qatar iyo Imaaraadku waxay tahay in Dawladda Qatar ay ka noqotay go’aankii ahaa in ay lacagtaasi bixiso, waxa aanay arrintaasi keentay in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay ka cadhoodaan Go’aanka Qatar, isla markaasna ay ku tallaabsadaan inay Boqorka Qatar si shakhsi ah uga Aar goostaan, Aar-goosigaas oo ah inay khakhal-galiyeen xarumihii warbaahinta ee Dalka Qatar, sidoo kalena ay ka sameeyeen warar aan sal iyo raad lahayn.

Haddaba, haddii ay dhab tahay in Cadaawadda loo qaaday Dawladda Qatar inay tahay xidhiidh ay la leedahay Dalka Iran, oo Khilaaf xooggani ka dhexeeyo Dalka Sucuudiga, maxaa looga cadhoon waayay Soo dhawaynta boqorka Kuwait Dalkiisa ugu sameeyay  Madaxwaynaha Dalka Iran, maxaase looga cadhoon waayay Xidhiidhka Dhaqaale ee ka dhexeeya Imaaraadka iyo Iran ee gaadhay 6 Milyaar ee Dollar, maxaa looga cadhoon waayay Dalka Cuman ee xidiidhka wanaagsan ka dhexeeyo Dalka Iran?, dhammaan su’aalahaasi ma aha kuwa Jawaab dhab ah loo hayo.

su’aalahaasi waa Daliilka kaliya ee caddaynaya in Khilaafka ka dhex taagan saddexdaasi Dalalka Khaliijka Carabta iyo Qadar aanu wax sal iyo raad ah ku lahayn Xidhiidhka ay Qatar la leedahay Dalka Iran iyo magangelyada ay siisay Ikhwaanka, waayo? weligeed ba waa la ogaa arrintaasi oo ma aha mid Maanta cusub.

War-bixintan oo uu soo Tarjumay Axmed Cabdiraxmaan Cabdalle (Fadhi) oo Bahda Wargeyska Himilo ah, waxa diyaarisay Dr. Huda Janaat oo ah Suxufiyad ka hawl-gasha Wargeyska The Guardian.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...