Dalka Saacadaha Soonku Aanay Isbedalin Iyo Sababaha Keenay !

Date:

Sanad kasta waxay Dadka Muslimiinta ee dunida ku nooli ay xisaabiyaan saacadaha Soonka oo ah kuwa ay Dalalka Adduunku ku kala duwan yihiin oo sabab u ah farqiga waqtiga u dhexeeya Dalalka Dunida.

Haddaba, waxa jira Dal ka mid ah Dalalka Adduunka oo aanay saacadaha soonku is badelin laga bilaabo xilligii ay diinta Islaamku gaadhay, dalkaasina waa Dalka Uganda ee ku yaalla Bariga Qaarada Afrika waxaanay muslimiinta ku nool dalkaasi sanad walba soomaan 12 saacadood laga bilaabo xilligii diinta Islaamku gaadhay taasi oo ay u sabab u tahay halka uu Dalkaasi kaga dhaco Dhul-Badhaha, iyo waliba in saacadaha habeenkii iyo maalintu noqdaan kuwa is-leeg guud ahaan bilaha sanadka oo dhan.

Tirada Dadku nool dalkaasi waa 10 Milyan oo qof halka 30% ay yihiin muslimiin, diinta Islaamka waxay Dalkaasi gaadhay Qarnigii 13aad ee Hijriyada waxaana soo gaadhsiiyay niman Ganacsadayaal ahaa oo kasoo jeeday Dalalka Carabta waxaanay arrintaasi sabab u noqotay in Dad badan oo ku noolaa Dalkaasi ay qaataan Diinta islaamka, Sanakdii 1280kii Hijriyada ayaa nin la odhan jiray Khedive Isma’il waxa uu u diray Dalkaasi Culimo muslimiin ah oo u dhashay Dalkaasi Masar si ay ugu faafiyaan diinta Islaamka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...