Qaraxan oo la aaminsanyahay in uu ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa goor dhow ka dhacay Saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo.
Qaraxa ayaa la rumeeysanyahay in uu ahaa Miino lagu aasay goob ay tababar ku qaadanayeen kooxda Baambeeyda oo ka tirsan Booliska.
Waxaa jira qasaarooyin isugu jira dhaawacyo iyo dhimasho oo ka dhashay qaraxa.
“Goobta ayaan ku sugnaa, tababar ayaa noo socday, halmar unbay jug yeertay oo Uuro na qarisay, meeshii ayaa lagu kala orday, dad ayaa ku dhaawacmay qaarna waa ku dhinteen, Balse Alle waa iga badbaadiyay,” sidaa waxaa yiri Nuur Xasan Xuseen Nuur Baana oo kamid ah kooxda Baambeeyda ee Booliska oo la hadlay shabakadda HOL.
Qasaaraha ka dhashay qaraxa iyo faahfaahinta dib ayaan idinka soo gudbin doonnaa, haduu rabi qadaro.