Muslimiinta Maraykanka Oo Afur Wadareed Isugu Yimid Kuna Hor Tukaday Dhismaha Dheer Ee Madaxwayne Trump!

Date:

Muslimiinta ku nool dalka Maraykanka ayaa afur wadareed ku yeeshay dhismaha dheer ee uu ku leeyahay Madaxaweynaha dalka Maraykanku Mr Trump xaafada Manhattan ee Magaalada Newyork.

Arrintan ayey dadkaasi Muslimiinta ahi Madaxwaynaha Maraykanka uga dhigayeen farriin ah in ay ka soo hor jeedaan go’aamada uu Trump soo saaray ee ka dhanka Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Dalkaasi, muslimiintan ayaa waxay ku afureen goobtaasi intaasi kadibna waxay ku tukadeen salaadii maqrib isla goobtaasi, waddada ay xidheen Dadka muslimiinta ahi ee ay ku tukadeen ayaa ah waddooyinka ugu saxmada badan Magaaladaasi, dhinaca kale dadka bannaan baxa noocan ah la yimid ayaan sidan wax boodhadh ah oo ay fikirkooda ku cabirayaan waxaanay ku eekaadeen oo kaliya afurka iyo tukashada salaada.

Madaxwayne Trump oo ah Madaxwaynaha 45aad ee Dalka Maraykanka xilka dalkaasina la wareegay 20kii bisha January ee sanadkan, sidoo kalena waxa uu ka mid yahay Maalqabeenada ugu hantida badan Adduunka waxaanu soo saaray go’aamo aad u tira badan oo uu ku xakaymayno muslimiinta ku nool Dalkaasi waana ta keentay inay bannaan bax noocan ah Dadka muslimiinta ahi la yimaadaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...