Diyaaarad ayaa waxaa ay kusoo dhacday garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey, waxaana la sheegay in ay diyaaradaasi siday gargaar oo u rarneyd Hay’adda Cuntada adduunka ee WFP.
Masuuliyiinta deegaanku waxay warbaahinta u sheegeen in labo qof oo saarnaa diyaarada ay bad baadeen, xamuulka ugu badan oo diyaaradu wadayna waxa ay aheyd cuntada nafaqada soo celisa.
Waxaa laga soo xigtay wadihii diyaarada in ay kaantaroolka lumiyeen markii ay khalkhalisay caqabad dhinaca cimilada ah oo ku timid, kadibna sidaasi diyaaradu ku dhacday.
Burbur xoogan ayaa la sheegaya inuu gaadhay diyaarada oo kusoo dhacday meel ka durugsan dhabaha diyaaraduhu ku ordaan, ee garoonka Garbahaareey.
Waa diyaaradii labaad ee muddo todobaad ah ku burburta Soomaaliya, maalmo ka hor waxaa Muqdisho kusoo dhacday diyaarad u shaqeynaysay Amisom.