Naxdin Badanaa: Rakaab Diyaarad Saarnaa Oo Lagu War Geliyey In Duuliyihii Diyaaradda Waday Uu Geeriyooday!!

Date:

Maxaad Samayn Lahayd Haddii Adiga Oo Diyaarad Saaran Lagugu War Galiyo In Duuliyihii Diyaaradda waday uu Geeriyooday Oo Aanay Jirin Cid Diyaaradda Waddaa?. Sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha ee American Airlines Duuliye ka tirsanaa shirkaddaas ayaa geeriyooday Arbacadii toddobaadkii aan soo dhaafnay xilli uu waday diyaarad uu ka soo duuliyey Magaalada Dallas kuna wajahnayd Albuquerque ee dalka Mareykanka. Diyaaraddaas oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ayaa 3 km u jirtay in ay caga dhigato, markii kabtanka diyaaradda uu ku dhawaaqay inay jirto xaalad caafimaad oo deg deg ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda American Airlines. Diyaaradda hogaankeeda waxa la wareegay oo dejiyay kaaliyaha duuliyihii diyaaradda ee isagu geeriyooday. ”Dayuurada ayaa si tartiib ah u soo caga dhigatay iyadoo aanay dhicin wax dhibaato ahi, ka dib waxaa albaabka kula kulmay kooxda gurmadka deg degga ah” ayuu yidhi afhayeenka shirkaddan u hadlay. Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa la sheegay inay bad qabaan. Duuliyaha geeriyooday waxaa magaciisa lagu sheegay William Grubbs. Sannadkii 2015-kii duuliye u shaqeenayey isla shirkaddan American Airlines ayaa dhintay intii uu ku guda jiray safar habeen ah oo uu diyaarad ka soo duuliyey magaalada Phoenix kuna socday Boston taasi oo iyana si bed qab ah u soo degtay kadib markii uu ninka kaaliyaha ahi (Assistant Pilot) uu diyaaradda dejiyey.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...