“Buffon Oo U Digey Ronaldo Uuna Sheegay Inu Guul Daraysan Doono Kulanka Kama Danbeystah Ee Caawa

Date:

Gianluigi Buffon laga yaabee inuu yahay goolhayaha ugu fiican ebid taariikhda kubbada cagta laakiin Ronaldo kuma garaaci karo abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or sida uu qabo Roberto Carlos.

Ronaldo ayaa iminka xafidanaya abaal marintan wuxuuna doonayaa inuu ku guuleysto markiisii 5-aad si uu isaga bareejeeyo Lionel Messi.

Inkastoo ay jirto inuu Ronaldo ku jiro qaab ciyaareed sare misane waxaa jira taageero soo koreysa oo abaal marinta Ballon d’Or la dooneysa goolhaye Buffon kaddib sanadkii wacnaa uu Juventus la qaatay xilli ciyaareedkan.

Yeelkeede, daaficii hore ee Real Madrid ayaa aaminsan inaysan shaki ku jirin in Buffon uu leeyahay taariikh wayn balse uu Ronaldo sii wadan doono ku guuleysiga Ballon d’Or.

“Dabcan, Buffon waa goolhayaha ugu fiican taariikhda laakiin waxa uu Cristiano Ronaldo sameynayo, way adag tahay in laga qaado Ballon d’Or, waa kan ugu fiican kubbada cagta adduunka.”. Carlos ayaa sidaa u sheegay Goal ka hor kulanka caawa ee Final ka Champions League ay Juve iyo Real isku fara saari doonaan magaalada Cardiff.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...