Islaamku waxa uu dhisay bulsho adag oo isku xidhan, waxa ay isku kaalmaystaan wanaaga iyaga oo xumaanta isaga diga.
Waxa uu ku dhiiri galiyay bulshadiisa inay si fiican oo galcal leh u wada noolaadaan, haddii ay nolosha jaar ku noqdaan(guryaha ama shaqada) axaadiistan oo ah kuwo saxeex ah waxa ay si wayn u muujinayaan xaqa jaarku isku leeyahay.
Ibnu cumar iyo caa’isha(RC) waxa ay yidhaahdeen nabigu(SCW) wuxuu yidhi: “malakul jibriil waxa uu mar walba aad igala dar-daarmi jiray xuquuqda jaarka, wayna ku waynayd ilaa aan is idhi waxa lagu farayaa inay is dhaxlaan”(bukhaari iyo muslim)
Abuu darr(RC) waxa uu yidhi: rasuulka ilaahay(scw) wuxuu yidhi: “abuu darrow marka aad diyaariso maraqa waxoogaa biyo ah ku kordhi, oo eeg hadday dariskaagu waxa uga baahanyihiin”(muslim)
Abuu hurayrah(RC) waxa uu yidhi: nabigu(SCW) waxa uu yidhi: “allaah(SW) ayaan ku dhaaranayaa, imaankiisu muu dhamaystirin, iimaankiisu ma dhamaystirin ,iimaankiisu muu buuxsamin” waxa lagu yidhi: rasuul allow waa kuma? wuxu yidhi: “waa qofkii jaarkiisu aan ka nabad galin dhibkiisa iyo sharkiisa”(bukhaari iyo muslim)
Warinta muslim waxa ay leedahay: “kaasi ma galidoono janada haddii aan jaarkiisu ka nabad galin dhibkiis iyo sharkiisa”
Abuhurayrah(RC) waxa uu yidhi: ” nabigu(SCW) waxa uu yidhi: ” haweenka muslinka ahoow! yay midkiin jaarkeeda hoos u eegin(xaqirin) oo u arag wax liita hadday kugu keento hadyad qoob riyaad(ka qaado una mahad celi)