Waxa Aanu Iidin Sii Wadana Waa Barnaamijkiii Siirada Nabi Maxamed (NNKH) Waa Shabakadda wargane Oo Iidin Lah La Soco Barnaamijka Siirada Rasuulka SCW Qaybtii 2aad
2.| Dhibaatada ay u geesteen Reer Qureesh iyo Hijrada Ardi Xabashi
Wey sii socotay Dacwada Rasuulka (Al-Jahriya), qureeshna dhibaato badan ayey u geysteen Rasuulka iyo Asxaabtiisa, waxeyna ku tilmaami jireen waxyaabo uusan isaga aheen, waxey dhaheen :- Waa Sixiroow, waa Kaahin, waa Majnuun, xitaa marka uu jidka maraayo waxey ku soo tuuri jireen Dhagxaan iyo Qashin, weyna dhibi jireen markuu tukanaayo, qofkii soo raacana wey dili jireen sida
- Bilaal Bin Rubaax,
- Khabaab Ibn Al-aart,
- Camaar Bin Yaasir iyo
- Yaasir aabihiis iyo Hooyadiis,
Qaar badanna wey ku dhinteen sideey u dhibaayeen ( dhamaantood ilaaheey haka Raali noqdo). Markey Muslimiinta dhibaatadaasi ku badatay ayuu Jameecadiisa ugula taliyey iney u Haajiraan Ardul Xabashi, uuna meeshaasi joogo boqor caadil ah oo la yiraahdo Najaashi.
Waxaa haajiray asxaabtii rasuulka ku dhowaad Boqol qof, wuuna soo dhoweeyey Boqor Najaashi, wuuna sharfay, rasuulkana wuxuu aaday Taa’if, inuu reer Taa’if u sheegto dacwadiisa si ay u badbaadiyaan, laakiin wey beeniyeen, weyna tuuryeeyeen.
3.| Israa Wal Micraaj
Mucjisadaan waxey u timid Takrum iyo Tathbiit, karaamo iyo cadeyn lagu ogaado inuu Muxammad yahay Rasuulkii Alle ka dib markuu ka dhintay Adeerkiis Abuu Taalib, oo kool-koolin jiray iyo dhimashadii xaaskiisa Khadiija, oo dhiiri gelin jirtay, ka dib dhibaatadii uu Makka iyo Taa’if kagala soo kulmay Mushrikiinta., haddaba Mucjisadii halkan ayey ka bilaabatay:
Rasuulka waxaa loo dheelmiyey Beyt Al maqdas ( Al-Israa, ka dib markii loo qaaday Samadda (Al-Micraaj), waxaas oo dhamina waxey dhaceen Hal habeen oo keliya.
La Soco Qaaybaha Danbe Ee Shabakdda Wargane Iyo Siiradi Rasuulka Scw
La Wadaag Walaaladad Muslimiintaha Khayrka