Somaliland: Sheekhii Xarunta Dadka Lagu Dabiibo Hargeysa Ka Furtay Oo Iska Difaacay Eedo Shaqadiisa Loo Jeediyey, Sheegayna Inuu Somaliland Ku Dhimanayo

Date:

“Anigu 70% Muwaadin reer Somaliland ah baan ahay oo Naas Baan Nuugay, Adigu Sidaad Doonto U Soo Baadh” Sheekh Cabdulxaq

Sheekh Cabdulxaq oo ah sheekh muddooyinku u dambeeyey Hargeysa ku dabiibayay dadka ay hayaan cudurada jinka, sixirka iyo isha oo hadda ku sugan magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd ayaa sharraxaad ka bixiyey shaqada uu hayo iyo wixii ku kallifay.

Sheekh Cabdulxaq oo Balligubadle warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu shaqada cilaajinta u galay kadib markii uu arkay dadkiisa reer Somaliland oo sixir iyo jin la ildaran waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana uu sheegay inuu waligii wadi doono shaqadan oo uu ilaahay ugu dhawaanayao.

Sidoo kale Sheekha oo dadka qaar Rusheeye u yaqaaniin ayaa farriin gaar ah u diray dadka ku weeraraya habka cunsuriyadda ku salaysan waxaana uu sheegay inuu yahay muwaadin reer Somaliland ah isla markaana aanu halkan iska iman ee uu dhiigu keenay, sheekha oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

” Anigu ma ihi Sixiroole ama qof shaydaan la shaqaysta waxaan ahay qof jecel in uu anfaco dadka Muslimiinta ah , waxaan akhriyana waa waxa aad maqasheen , mana ahi qof fooxiye ama faaliye is qarinaaya , sameecado wa weyn baan ku xidhay goobta waxa ka soo baxayana waa kalaamkii Alleh SWT , ma ahi qof meel fog ka imid ee 70 % reer Somaliland baan ahay naas baan nuugay , caruurteyduna waa reer Somaliland , markaas meesha iskamaan imanin ee dhiig iyo hilib ayaa i keenay ” ayuu yidhi Sheekh Cabdi Xaq

“waxaan idiin sheegayaa dadkii waa la sixray cadaw baana haysta jin ayaa ka qaalib noqday oo 24 saacadood ka qaylinaya, waxay u baahan yihiin in quraanka ilaahay lagu kaalmeeyo, qiyaamahana waxaad baratay waa lagu waydiinayaa, waxaan idinka codsanayaa inaad samaysataan xarumo waaweyn oo dadka lagu cilaajiyo ilaahayna loogu dhawaado, waxaan leeyahay xasadka aan doonayn hawshan in la wado, hawshan waa la wadayaa mana joogsan doonto intaan noolahay haddii aan dhintana kuwo kale oo aan u tababaranay uunbaa soo bixi doona”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...