Somaliland: Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Kormeeray Garoomada Kubadda Cagta ee degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax

Date:

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray garoomada kubadda cagta degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee ay ka socdaan tartamada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen madax kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda, ayaa galabta booqday garoomada kubadda Cagta ee Maxamuud Haybe, Libaaxyada, Masallaha iyo Tareeninka (training) oo ku kala yaal labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax, kuwaas oo ka mid ah garoomada kala duwan ee degmooyinka iyo gobollada dalka oo dhan oo agabka lagu ciyaarayo ee diraysyada, kubadaha, koobabka iyo billadaha uu bixiyey xisbiga KULMIYE.
Md. Muuse Biixi waxa uu dhallinyarada garoomadaasi kala qaybgalay dheesha ciyaarta oo uu qaarkood la galay garoonka, kadibna uu la ciyaaray kubadda, halka garoomada qaarkoodna uu oroda ku sameeyey, iyadoo dhallinyarada iyo dadweynaha ku sugnaa garoomadaasi ay aad u soo dhaweeyeen, uguna sacabo tumeen arrintaasi.
Guddoomiyuhu waxa uu ku dhiirrigeliyey dhallinyarada reer Somaliland inay ciyaaruhu u kordhiyaan isdhexgalka dhexdooda, inay la dagaallamaan qabyaaladda, inay maanka ku hayaan wax-wada qabsiga iyo walaaltinimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...