Weeraryahanka kooxda Leicester City – Riyad Mahrez ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu isaga tago naadiga.
Laacibkan 26 sanno jirka ah, oo ay Leicester kaga soo qaadatay naadiga Faransiiska ah ee Le Havre aduun lagu sheegay £400,000 sanadii 2014, ayaa tilmaamay inuu ogolaaday “inuu kooxda sanad dheeraad ah la sii joogayo” markii ay “dood fiicani dhex martay gudoomiyaha kooxda” xiligii naadigan lagu naanayso “Dacawadu” ku guuleysteen horyaalka Premier League sanadkii tagay.
Laakiin wuxuu intaas ku daray in imika “xiisihii uu naadiga u hayayay gabaabsi ku dhaw yahay” uuna “ku wargaliyey naadiga inuu dareemayo in la gaadhay wakhtigii uu ka tagi lahaa.”
Mahrez, Ciyaaryahankii sanadka 2016 “PFA player of the year in 2016″, wuxuu u saftay Kooxda Leicester, 48 kulan xili ciyaareedkii imika dhamaaday, waxaanu u dhaliyey 10 gool, isagoo hal abuuray todoba kale, kaas oo suurto galiyey inay ku dhamaystaan horyaalka Kaalinta 12 aad, Champions League quarter Finals-ka.