Madaxweynaha Dalka Faransiiska Oo Dhiggiisa Ruusha U Sheegay In Aanay Aqbali Karin In Hub Kiimiko Ah Loo Adeegsado Suuriya

Date:

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa u sheegay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, in hubka kiimikada ah oo lagu dhex adeegsado Suuriya tahay arrin khad cas ah oo aan la qaadan karin, Faransiiskuna jawaab degdeg ah ka bixin doono hadiiba ay dhacdo.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ka muuqday in is maan dhaaf jiro, ayaa madaxweyne Macron wuxu sheegay in diidmada ay arrintan ka qabaan uu si cad ugu qeexay kulan ay isaga iyo Putin ku yeesheen qasriga Versailles, halkaas oo lagu xusayey heshiis laba geesood ah oo saddex boqol oo sano ka hor ay labada dal wada saxeexdeen.

Laakiin madaxweyne Macron wuxuu sidoo kale sheegay in uu doonayo in ay iskaashi xoogan ka yeeshaan arinta Suuriya, waxaanu intaa ku daray in la dagaalanka argagixisadu yahay ujeedo midaysaysa labada dal.

Labada nin waxa ay ku heshiiyeen in ay kulan dambe oo Jarmalkuna ka qayb gelayo ka yeeshaan arimaha Ukraine, laakiin madaxweyne Putin ayaa sheegay in cunoqabatayn la saaro Ruushku aanay midho dhal noqon doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...