Australia oo qorshaynaysa in ay baasaboorrada u diido dadka carruurta faraxumeeya

Date:

Dawladda Australia ayaa qorshaynaysa in ay baasaboorrada u diido dadka lagu xukumo in ay faraxumeeyeen carruur iyada oo u cuskanaysa qorshe cusub oo ay dawlladdu wado kaas oo ah “midkii koobaad ee noociisa ah ee adduunka” soo mara.

Hindisahan oo baarlamaanka la horgaynayo ayaa safarrada dalka dibaddiisa ah ka mamnuuci doona dadka loo diiwaangaliyo in ay carruur faro xumeeyeen.

Wasiirka caddaaladda Michael Keenan ayaa sheegay in arrintan ay saamayn doonto dad ku dhaw 20,000 oo qof oo soo dhamaystay ciqaabtii lagu xukumay laakiin wali ay dawladdu dusha kala socoto hab dhaqankooda.

Dadka faraxumaynta gaysta ayaa awoodi doona in ay baasaboorro codsadaan waase haddii laga saaro diiwaanka, sida ay dawladdu sheegtay.

Michael ayaa sheegay in ay xukuumaddu qaadatay go’aankan adag si ay muwaadiniinteeda uga hor istaagto in ay aadaan dalal nugul si ay carruur u faroxumeeyaan.

Dad lagu qiyaasay 800 oo ku jira diiwaanka dadka carruurta faraxumeeyay ayaa Australia ka safray iyaga oo dalal dibadda ah aaday sannadkii 2016kii, sida ay dawladdu sheegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...