Somalia: Al-shabaab oo xukun dhagax ku dil ah ku fulisay nin ku eedeysnaa in uu kufsi geystay

Date:

Xarrakada Al-shabaab oo maamusha qeybo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xukun dhagax ku dil ah ku fulisay nin ku eedeysnaa in uu kufsi geystay deegaan lagu magacaabo Ufuroow oo ka tirsan gobolka Baay.

Maxkamad ururka Al-shabaab leeyihiin ayaa ku xukuntay Dhaayow Maxamed in dhagax lagu dilay kaddib markii lagu helay danbi ah in uu kufsi geystay.

Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaal deegaanka Raama Caddey oo ka tirsan degmada Ufuroow, waxaana qeybaha hoose ee jirka Ninkan lagu aasay dhulka, iyadoo qeybaha sare  ee jirkiisa dhagxaan la soo diyaariyay rag ka tirsan xarrrakada midba mar uu ku dhufanayay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya ee la xiriira xukunka rajmiska ah ee maanta laga fuliyay deegaanka Raama Cadey

Ma’aha markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay fuliyaan xukunno noocan oo kale ah, waxaa ay horay siddan oo kale deegaanno kala duwan oo dalka mid ah uga fuliyeen xukun dhagax ku dil ah, gaar ahaan deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo xukun noocan oo kale ah lagu fuliyay nin ku eedeysnaa in uu kufsi geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...