Inta la ogyahay illaa laba Maxbuus ayaa Shalay u geeriyooday,Maxaabiis badan oo kalena waa uu soo ritay,Shuban biyood si kedis ah uga dhex dilaacay Xabsiga weyn ee Magaalada Burco,waxa sidoo kale shuban biyoodkaasi u jiifa Askartii ilaalada kaga jirtay Xabsigaasi kuwaasi oo la soo sheegay inay illa Shan Askari la ildaran yihiin Cudurka Shuban Biyoodkaasi oo iyagana haleelay.
Warsaxaafadeed Wasaarada Calaaladdu Shalay soo saartay oo ay ku faah faahisay Xaaladii u dambaysay ee Shuban biyoodkaasi Xasbiga Burco ka dilaacay oo uu ku saxeexan yahay Wasiirul dawlaha Wasaaradda Calaalada Khadar Axmed Diiriye ayaa waxa uu udhignaa sidan ”Saaka Axadii 28/05/2017,Waxa Xabsiga Magalaada Burco Cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyooday,Laba maxbuus oo ka mid ahaa Maxaabiista Xukuman ee Xabsiga Ku jirta. Cudurka Shuban biyoodka oo meelo badan oo wadanka ka mid ah hore uga dilaacay, Waxaa calaamadihiisa lagu arkay Xabsiga Burco markii u horaysay,Shalay Sabtidii 27/05/2017,illaa iyo hadda waxa uu cudurku soo ritay oo ujiifa 54-Maxbuus,oo ka mid ah 270-Maxbuus oo Xabsigaasi ku jira,iyo shan askari oo ka mid ah Ciidanka Asluubta ee Xabsiga Burco”.
Waxa kale uu yidhi“Iskaashi deg deg ah oo ay wada jir u sameeyeen Wasaaradda Cadaalada,Wasaaradda Caafimaadka,Ciidanka Asluubta,Xeer illaalinta Gobolka Togdheer iyo Hay’adda ICRC,Waxay ku guulaysteen inay hakiyaan Fiditaanka Cudurkaasi,iyadoo la raacayo Dhamaan habkii xakamaynta Cudurka Shuban biyoodka.Dhamaan Shaqaalaha iyo dhakhaatiirka ka hawlgalaysa Xabsigu,iyagoo hawshasi sii wada,waxa ay dadaal ugu jiraan Xakamaynta Cudurka,si looga bad baadiyo inuu ku sii dhex faafo,Maxaabiista kale ee aanu wali cudur saamaynta ku yeelan”.
Shuban biyoodka ayaa mudooyinkii u dambeeyay laga soo sheegay Deegaamo badan oo ka tirsan Somaliland balse waa markii horaysay ee uu soo galo Magaalooyinka Waa weyn ee Caasimada ah oo dadka ku nooli aad u badan yihiin,ayna adag tahay in si dhib loo hor istaago. Wararka naga soo gaadhaya Magaaladda Burco,Waxa xalay illaa shalay ku sii qul qulayay Dhakhaatiirta iyo Hay’addaha Caafimaadka kuwaasi oo gurmad u galay Sidii looga hortagi lahaa Inaanu cudurkaasi dibada uga bixin Xabsigaasi islamarkaaana looga bad baadin lahaa Maxaabiista kale ee jeelkaasi ku jirta ee aanu wali soo ridan Shubankaasi,balse marka loo eego tirada la soo sheegayo inay u jiifaan Xabsigaasi,waxa muuqata inuu maxaabiista badankoodii Cudurkaasi ku faafay oo uu wada haleelay.
Shuban Biyood Ka Dhex Dilaacay Xabsiga Burco Laba Maxbuus Oo U Geeriyooday, Maxaabiis Iyo Askartii Illaalinaysay Oo Lala Tacaalayo Xaaladodda Iyo War Saxaafadeed Wasaarada Cadaaladu Ku Faah Faahisay
Date: