Ceelka magaciisa la yidhaahdo Rooma ayaa waxa uu ku yaallaa Magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara, ceelkan waxa ka tagay Saxaabigii Cusmaan Bin Cafaan waxaanu Ceelkaasi jiray 1,400 oo sano.
Ceelkan waxa uu Cismaan Bin Cafaan uu Iibiyay Dadkii Muslimiinta ahaa ee ku noolaa Magaaladaasi, waxa aanu Dadku biyaha Ceelkaasi ku cabi jireen bilaash, biyaha Ceelkaasi ayaa ah kuwa ilaa iyo haatan lagu waraabiyo beer ku ag taalla oo ay wasaaradda Beeraha ee Dalka Sucuudigu gacanta ku hayso.
Cusmaan bin Cafaan waxa uu ka mid ahaa Tujaartii Saxaabada sidoo kale waxa uu ahaa Khaliifadii Saddexaad waxaanu ka mid yahay Tobankii asxaabi ee Jannada loogu bushaareeyay, waxaanu qabay hablihii uu Nabigu NNKHA dhalay waxaana lagu naanaysi jiray Dil Nuurain.
Ceelkan waxa markii hore lahaan jiray nin saxaabi ah oo la odhan jiray Rooma Al-qafari, waxaanu biyaha ka iibin jiray Dadka, markii arrintaasi soo gaadhay Cusmaan Bin Cafaan ayuu ku iibsaday Ceelkaasi lacag dhan 35 kun oo Dirham, Cusmaan waxa uu ku yidhi Nabigi NNKH “Waan iibsaday, waxaanan ugu deeqay Muslimiinta”, run ahaantii qisada Ceelkaasi waxay ina tusinaysaa in Camalka wanaagsan iyo saddaqada joogtada ah ee uu qofku dar Ilaahay u bixiyo uu ku muttaysanayo Jannada waana arrin ku dayasho mudan.