Hay’adda FBI-da ayaa baadhitaan ku wada weerar Jimcihii ka dhacay magaalada Portland ee gobalka Oregon ee Dalka Maraykanka, halkaas oo uu Nin cunsuri cadaan ahi ku dilay labo qof.
Weerarkan ayaa ka dhacay Tareenka magaaladaasi laga raaco, waxaana la sheegay in nin cunsuri caddaan ah uu weerar ku qaaday labo gabdhood oo tareenka saarnaa oo mid kamid ah wadatay xijaab.
Ninkan oo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Islaamka iyo muslimiinta ayaa waxaa isku dayey inay qabtaan qaar kamid ah dadkii tareenka saarnaa, wuxuuna mindi ku dilay labo nin oo kale oo isku dayey inay caawiyaan gabdhahaasi.
Booliiska ayaa isla maalintaasi soo qabtay ninkan oo horey xabsiga looga soo daayey, kana mid ah cunsuriyiinta neceb dadka aan caddaanka ahayn.
Gacan ku dhiiglahan ayaa maxkamadda lasoo taagi doonaa Salaasada soo socota, si loogu rido Xukun lagu ciqaabayo.