Imaam Al-dabari waxa uu ka mid yahay CulimadaTafsiirka Qur’aanka Kariimka kuwa ugu cadcad, iyo waliba Taariikhyahanada ugu Caansan ISlaamka, magaciisa dhabta ahina waa Maxamed Bin Jariir, waxanu ku caan baxay xilligii uu noola Magaca Abu Jacfar Al-dabari, waxa uu dhashay sanadkii 224 ee Hijriyada waxaanu geeriyooday sanadkii 310 ee Hijriyada.
Imaam Al-dabari waxa uu ku dedaalay inuu culluumta Tafsiirka iyo Fiqiga iyo taariikhda ururiyo, isaga oo ku caan baxay in aanu cidna ku dayan ee uu isagu si gaar ah u baadho Culluumtaasi kala duwan, Imaamku waxa uu ku dhashay Magaaladii la odhan jiray Aamil ee ku taalay Dalkii Dubrustaan oo uu ku barbaaray, waxaana gacanta ku hayay oo koriyay aabihii oo ilaalin jiray markii uu yaraantiisi ka dareemay inuu yahay qof aad u maskax badan.
Imaam Al-dabari waxa uu Xafiday Qur’aanka Kariimka ah isaga oo 7 jir ah intaasi kadibna waxa uu Cilmiga u doontay culimadii xilligaasi joogtay oo uu aabihii ku garab istaagay waxa kasta oo uu ku baran lahaa haddii ay tahay dhaqaale iyo haddii ay tahay talo iyo waanooyin ba waxaanu Imaam AL-dabari li caan baxay awooda Xifdiga ee uu Ilaahay ku mannaystay.
Sidoo kale Imaam Al-dabari waxa uu ku caan baxay Suhdiga iyo Cibaadada iyo Daacada Ilaahay waxaanu ku noolaa halkii uu Aabihii ka dhaxlay, waxaanu diiday wax kasta oo dheeraad ah oo ay Boqoradii xilligaasi joogay ugu deeqeen, run ahaantii waa shakhsiyad ay habboon tahay in aynu ku dayano.