Ciyaartoy badan ayaa ka quustay in ay ku guulaystaan abaal marinta shaqsiga ah ee Ballon d’Or kadib markii ay noqotay abaal marin u dhexaysa Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo muddadii tobanka sano ahayd ee ugu danbaysay, waxayna wali u muuqataa in loolanka labadan xidig uu wali sii socon karo.
Xidiga xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Nice ee Mario Balotelli ayaa wax laga waydiiyay inta uu u jiray in uu ku gulaysato abaal marinta Ballon d’Orka balse waxa uu ku kaftamay in marka hore ay qasab ku tahay in uu dilo Lionel Messi iyo Crisrtiano Ronaldo si uu ugu guulaysto Ballon d’Orka.
Dhinaca kale Mario Balotelli ayaa sheegay in aanu daawan doonin kulanka finalka Champions Leaque-ga ee Juventus iyo Real Madrid ku dhex mari doona Cardiff isla markaana uu iska gali doono fasixiisa xagaaga. Mario Balotelli oo xagaagii la soo dhaafay si xor ah kaga baxay Liverpool ayaa kooxda Nice dib ugu soo ceshaday qaab ciyaareedkiisii fiicnaa wuxuuna kooxda Nice ka caawiyay in ay u soo baxdo Champions Leaque-ga.
Mario Balotelli ayaa markii la waydiiyay ku guulaysigiisa Ballon do’Orka ku jawaabay: ” Waxaa qasab igu ah in aan labadaas dilo(Messi & Ronaldo.) Haddii aan ka fikiro wixii aan waayahayga ciyaareed soo qabtay, ama ha wax ku filan, waxaa waajib igu ahayd in aan soo qabto wax ka badan”.
Mario Balotelli oo ka hadlaya finalka Champions leaque-ga iyo in maalin uu ka ciyararid doono kooxda Palermo ee magaaladiisa ka dhisan ayaa yidhi: ” Anigu waxaan ubaxayaa fasax laba usbuuc ah isla markaana xataa ma daawan doono finalka Champions leaque-ga. Maalin ayaan jecelahay in aan waahayga ciyaareed ku dhamaysto kooxda magalaadadayda ka dhisan laakiin wali waan da’yarahay”.