Somalia: Qof madaxa looga jiro ”Dhimirka la” oo dad ku dilay deegaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug

Date:

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof madaxa looga jiro ”Dhimirka La” dil iyo dhaawac ku geystay dad shacab ah.

Dadka ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas khasaare sababtay ninka ku furay dad shacab ah, waxaana goobta ku dhintay qof rayid ah, halka shan kale oo ruuxna ay goobta ku dhaawacmeen.

Ninka falka geystay ayaa la sheegay in markii danbe uu goobta isaga tagay, waxaana argagax iyo cabsi arintan ku abuurtay shacabka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Bacaad-weyn ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qofka falka geystay madaxa looga jiray, waxaana ay intaa ku darreen in lagu raad joogo.

Dhacdadan ayaa walwal iyo baqdin ku abuurtay dadka deegaanka, iyaga oo ka cabsi qaba in wax yeelo kale uu geysto madaama aan wali gacanta lagu dhigin, islamarkaana uu heysto qorigii uu dadka ku dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...