Somalia: Faafaahin Weerar ay ku dhinteen 10 ka tirsan Al shabaab iyo dowladda oo ka dhacay Gobolka Baay

Date:

Ugu yaraan afar askari oo ciidanka dowladda ka tirsan iyo lix kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab ayaa shalay ku dhintay weerar gaadma ah oo ka dhacay degaan u dhow degmadda Bardale ee gobolka Baay.

Weerarka waxaa uu isku bedelay dagaal toos ah waxaana uu ka dhacay degaanka Mad Sheikh oo hoos taga degmadda Bardaale ee Gobolka Baay.

Cabdullahi Sheekh Mxamed oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Baay, ayaa sheegay in askarta ay ku dhinteen miino waddada dhinaceeda lagu aasay.

“Waxaa naga geerooday afar askari, kadib markii gaari ciidanka ay wateen uu ku dhacay Miino, balse waxaan dilnay lix kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab”, sidaasi waxaa yiri sarkaalka.

Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Dagaalyahannada Al shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliyay degaannada koonfurta Soomaaliya, gaar ahaa Goboladda Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...