Somaliland: Nuxurka 9 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirkii Labaad ee Dhex-maray Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco.

Date:

Shirkan Kii Ka Horeeyey Ayaa Ka Dhacay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska.

Shir ballaadhan oo muddo uga socday magaalada Burco beelaha walaalaha ah ee Habar-jeclo iyo Habar-yoonis oo lagu taageerayo shir dhawaan ka dhacay Magaaladda London ee dalka Ingiriiska oo lagaga hadlayay sidii ay beelaha walaalaha ah ee Habar-jeclo iyo Habar-yoonis ugu midoobi lahayeen horumarka deegaanada ay wada dagaan ayaa lagu soo gabogabeeyay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Waxaana shirkan ka soo qayb-galay Salaadiin, Cuqaal, waxgarad iyo Aqoonyahan tiro badan oo ka kala socda beelaha walaalaha ah ee Habar-jeclo iyo Habar-yoonis oo dhammaantood bogaadiyay shirkan.

Sagaal qodoba oo laga soo saaray shirkii shalay lagu soo gabogabeeyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo masha laga akhriyay ayaa waxa ay ahaayeen:

Shirka midnimo laba waxaa uu daba socdaa shirkii midnimo kow oo ka dhacay magaaladda London.

Shirka midnimo Laba waxaa uu ka shaqeynayaa danaha labada beelood ee Habar-yoonis iyo Habar-jeclo, waxaana uu ka madax-bannaan yahay siyaasadda nooca ay doonto ha noqotee waa shir aan u xaglinayn mid ka mid ah xisbiyadda.

Shirku waxaa uu diirada saaraya horumarinta deeganka ballaadhan ee ay wada deegaan labadan beelood ee walaalaha ahi.

Shirku waxuu ku baqayaa in la caawiyo dadkii ku caydhoobay abaartii dalka ka dhacday.

Shirka waxaa gun-dhig u ah inay lama taabtaan tahay qaranimada iyo madax-bannaanida Somaliland.

shirku waxuu ku baqayaa inay xukuumadda Somaliland si gaar ah u caawiso dadka ku nool goballada bariga dalka oo abaaruhu si xun ugu dhufteen.

Shirku waxaa uu ka soo hor-jeeda wax kasta oo kala fogeynaaya beelaha Somaliland, xisbiyada-na waxuu ugu baaqayaa inay la yimaadaan bisayl siyaasadeed oo ku dhisan barnaamij waxqabad.

Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu ku biiro xisbiga uu ku qanco barnaamijkiisa siyaasadeed.

Shirku waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan sannad-guuradii ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliland, waxa kale oo uu shirka midnimo two hambalyo gaar ah iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Md. Cabdi Maxamuud Cumar sidii muga iyo miisaanka lahayd ee uu uga qayb qaatay abaartii dalka dhacday.

14-kii bishan May ayay ahayd markii uu magaalada London ee dalka Ingiriiska shir lagu magaacabay Midnimo oo ay ka soo qayb-galeen qaar ka mid ah Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Haweenka beelaha walaaha ah ee Habar-jeclo iyo Habar-yoonis, iyada oo shirkan laga soo saaray qodobo gun-dhig u ah sidii looga wadashaqayn lahaa horumarinta deegaanada ay wada-degaan labadan beelood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...