Somalia: Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Donald Trump Iyo Waxa Ay Ka Wada-hadleen Labada Madaxweyne

Date:

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku kulmay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya.

Kulankan oo ahaa mid kooban ayaa dhacay, kaddib markii la soo gaba gabeeyay shir madaxeedkii Madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa.

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday in 100% ay Dowladda Soomaaliya ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyay kulanka dhex maray labada Madaxweyne.

Mr Cabdinuur ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii dowladda Mareykanka ay gacan buuxda uga geysan laheyd.

“Markii uu soo gaba gaboobay shir madaxeedka, labada Madaxweyne waqti kooban ayay kulan qaateen, sida la socotaan dalka xaalad dagaal ayuu ku jiraa, balan-qaadyada Madaxweynuhu sameeyay waxaa ka mid ahaa in labo sano lagu soo afjari doono qolyaha argagixisada, sida la socotaan Soomaaliya kaliya kuma filna, taageero caalami ayay u baahan tahay”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadlay Donald Trump kaalinta Mareykanka ka qaadan karo arrintan, iyo sidii loo dar dar gelin lahaa la dagaalanka Shabaab.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee fool ka fool u yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo labadaba ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir madaxeedka madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka, kaasoo lagag hadlay arrimo badan oo la xidhiidha dagaalka lagula jiro Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...