Dalka Shiinaha ayaa mamnuucay in heesta calanka loo adeegsado xafladaha sida aroosyada ama kuwa gaarka, sida lagu qoray go’aamo baarlaamnku ansixin doono.
Go’aamada cusub ee Shiinaha ayaa lagu sheegay inay waajib ku tahay qof kastoo jooga goobta laga qaadayo heesta calanka inuu si qiiro leh ula socdo qiimaheeda, una qadariyo.
Arrinkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey ka dib markii la arkay muuqaalo dad qoslaya, ama hawlo kale ku mashquulsan xilli la qaadayo heesta calanka Shiinaha.
Shuruuc hore dalkaasi u lahaa ayaa mamnuucayey in calanka shiinaha iyo heestiisa la adeegsado, xafladaha qaran mooyee, waxaana gebi ahaanba mamnuuc ah in xafladaha gaarka loo leeyahay loo adeegsado.